fredag, april 26, 2024

Dowlada: Dalalkan ayaa qofkii u safro uu karantiil gali doonaa.

Reysulwasaaraha Norway iyo xubno kamid ah golaheeda wasiiradda ayaa shaley qabtay shir jaraa´id oo ay uga hadlayeen xaalada soo korortay ee xanuunka Corona iyo amarada cusub ee dowlada.

Shirka jaraa´id ee shaley ayay wasiiraddu kusoo bandhigeen dalal cusub oo lagu daray dalalka guduudka ah(Dalalka uu xanuunku ku faafay), kuwaas oo qofkii u safra ama ka imaado la galin doono karantiil 10 maalin ah.

Dalalka Faransiiska, Spain, Romania, Poland, Holland, Malta, Bellaruz(Ruushiyada cad), Iceland iyo gobolo kamid ah Denmark iyo Sweden.

 Gobolada Sweden ee Östergötland, Örebro, Blekinge, Värmland, Uppsala og Dalarna ayaa sidoo kale qofkii u safra la galin doonaa karantiil 10 maalmood ah, sida ay sheegtay Solberg.

Gobolada Sjælland iyo Midt-Jylland ee dalka Denmark ayaa sidoo kale la galiyay khadka guduudka ah.

Reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg ayaa dadka Norway kunool kula talisay inaysan dalka ka bixin oo safar dibadda ah aadin, hadii aysan jirin sabab lagama maarmaan ah oo safarkaas keeneyso.

Dowlada ayaa sidoo kale sheegtay inay qiimeyneyso xaalada wadamo badan oo la galiyay calaamad jaale ah, kuwaas oo xaaladooda si hoose loola socdo.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x