fredag, april 26, 2024

Daawo: Wasiir difaacay xaq-lahaanshaha ismaamul ee Tawfiiq iyo goobaha cibaadada ee kale.

Maalintii arbacada waxaa barnaamijka Dagsnytt 18 ee warbaahinta qaranka Norway ee NRK lagu qabtay dood la xiriirta in dowladu ay shardi ka dhigto in gudiyada maamulka(Styre) ee goobaha cibaabada ay kamid noqdaan dumar/haween, si ay dowlada dhaqaalaha uga helaan.

Waxaana doodaas ka qeybgalay ku xigeenka duqa magaalada Oslo, Kamzy Gunaratnam oo xisbiga Ap katirsan iyo sii haya wasiirada qoyska iyo diimaha Ida Lindtveit Røse oo katirsan xisbi diimeedka Krf.

Waxaa xusid mudan in doodda ku saabsan kamid noqoshada dumarka ee gudiyada goobaha cibaadada ay ka dhalatay maqaal uu wargeyska Aftenposten ka qoray haween soomaali ah oo sheegay in laga xirtay albaabka, xili masaajidka soomaalida ee Tawfiiq ay ka dhacay doorasho codbixin ah. Waxaana maalmihii tagay baraha bulshada ee Norway ka socday doodo adag oo arrintan la xiriira

Ku xigeenka duqa Oslo Kamzy iyo xisbiga ay katirsantahay ee Ap ayaa aaminsan in ugu yaraan 40% gudiyada goobaha cibaadada ay noqdaan haween, si ay lacag taageero dhaqaale ah uga helaan dowlada. Waxeyna sheegtay in arrintan in haweenka u fududeyn karto dadaalka ay ugu jiraan kamid noqoshada goobaha go´aanka looga qaadanayo shaqooyinka muhiimka ah ee noloshooda saameeyo. Iyada oo sheegtay inay muhiim tahay in dowladu ay gacan u fidiso dumarka rabba inay kamid noqdaan gudiyada goobaha cibaadada, ayna adeegsado awood siyaasadeed.

Sii haya xilka wasiirka qoyska, Ida ayaa inta ay dooda socotay si adag uga soo horjeesatay fikirka xisbiga Ap, waxeyna ku cel-celisay in dowladu aysan faraha la gali karin arrimo la xiriira arragtida nololeed ee caqiidooyinka kala duwan ee dadyowga Norway kunool. Maadaama ay Norway kajirto xoriyada diinta iyo caqiiqada, qofkuna uu qaadan karo diinta uu rabo. Iyada oo cadeysay inay wax lala yaabo noqoneyso hadii dowladu ay goobaha cibaadada u yeeriso qaabka ay isku maamulayaan, iyada oo aan la ixtiraameyn waxa ay diintooda ama caqiidaoodu ka qabto qaabka maamulka iyo xiriirka ragga iyo dumarka ee goobaha cibaadada.

Wasiiradda ayaa dhanka kale sheegtay inay dowladu taageereyso, hadii ay jiraan haween rabbo inay gudaha goobaha cibaadada ay isbadal ka sameeyaan, balse aysan dowladu diyaar u aheyn inay adeegsado awood siyaasadeed ama mid dhaqaale midna.

Wasiiradda ayaa u muuqata mid difaaceysa taageerayaasha xisbi diimeedka Krf oo ku dhisan aragtida nololeed ee diinta masiixiyada. Wuxuuna xisbigu taageero fiican oo udub dhexaad ah ka heystaa dadka ku dhaqma ama aaminsan caqiiqada masiixayada. Iyada oo dadka ku xiran kaniisaduha ay yihiin dadka codadka ugu badan siiya xisbiga Krf.

Horey waxaa kaniisadaha Norway loogu eedeeyay inaysan dumarka siin awood maamula ama aysan ka qeybgalin gudiyada kaniisadaha maamula.

Wasiiradda ayaa u muuqata in hadii ay oglaato in dowladu ay faraha la gasho qaab-maamulka masaajida oo ah goobaha cibaada dadka muslimiinta ah, ay dowladu dhanka kale faraha la gali doonto kaniisadaha iyo goobaha dadka masiixiyiinta ah.

Halkan ka daawo dooda oo dhameystiran: Dagsnytt 18

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x