lørdag, april 27, 2024

(Daawo) Gud. Oslo: Tawfiiq waa in isbadal maamulka ah uu sameeyo! Sidaan ma soconeyso.

Gudoomiyaha maamulka guud ee degmada Oslo, Reymond Johnson oo katirsan xisbiga Ap ayaa wareysi uu siiyay tv-ga qaranka Norway ee NRK, eedeyn kulul ugu jeediyay maamulka masaajidka soomaalida Oslo ee Tawfiiq, isaga oo sheegay inay qasab tahay in wax laga badalo hab maamulka masaajidka ay doodiisu maalmihii ugu danbeeyay ka socotay warbaahinta Norway.

Reymond oo ah qofka awooda siyaasadeed ee ugu weyn ku leh magaalada Oslo, ayaa wareysigiisa ku sheegay, inay muuqato in khilaafka ka taagan masaajidka soomaalidu uu yahay khilaaf-awooda maamulka la isku heysto, ama uu yahay khilaaf-saameyn(Innflytelse) iyo mid dhaqaale(Penger).

Gudoomiyaha oo lagu sawiray afaafka hore ee masaajidka ayaa dhanka kale sheegay in wax shaqeyn karo ama socon karo aysan aheyn, in sanadkan 2020 haweenka iyo dhalinyarada Oslo kunool loo diido kamid noqoshada maamulka urur Oslo ka dhisan. Wuxuu hadalkiisa raaciyay fariin oo u diray maamulka masaajidka, isaga oo yiri:

waxaa u diriyaa fariin cad, Is fur-fura, qeybna ka noqday mujtamaca idinku hareereysan ee aad qeybta ka tihiin.

Reymond Johnsen oo horey madax uga ahaa ururka NRC, kana soo shaqeeyay Soomaaliya ayaa raaciyay in masaajidku uu goob muhiim ah u yahay isdhexgalka bulshada, balse arintaas aysan suurtogal aheyn inta awooda ay heystaan koox gaar ah oo isa-soocatay.

Wuxuuna hadalkiisa ku xiray inuu kulan ku casuumi doono maamulka masaajidka, si uu ugala hadlo waxa maamulka Oslo uu ka sugayo maamulka Oslo.

Maamulka masaajidka Tawfiiq oo NRK uu su´aalo ka weydiiyay hadalka Gudoomiyaha Oslo, ayaa diiday inay wax commenti(Hadal ah) ka dhiibtaan eedeymaha Reymond Johnsen.

Halkan ka daawo: Kveldsnytt-NRK: Raymond Johansen kritiserer strid i somalisk moske: – Kan ikke lenger holde unge og kvinner ute.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x