fredag, april 26, 2024

Sweden: Norway ayaa naga darnaan doonto, marka uu Corona soo noqdo.

5.639 qof ayaa dalka Sweden u dhimatay xanuunka Corona-virus tan iyo markii uu soo bilowday. Halka Norwey ay xanuunkaas u dhimatay 255 qof. Waxeyna tirida dhimishada ee dalka Sweden ay ka badantahay wadarta dhimashada afarta dal ee kale ee Nordica.

Dowlada Sweden ayaa dooratay istiraatiijiyad ka duwan tan dalalka kale ee caalamka, waxeyna ogolaatay in noloshu ay si caadi ah u socoto, halka dalalka kale ay xireen dhamaan dhaq-dhaqaaqyada bulshada iyo ganacsiga, si looga hor tago faafitaanka xanuunka.

Sweden: Norway anagaa ka dhimasho yaraan doono.

Hey´addaha caafimaadka ayaa qiyaasayo in xanuunka Corona-virus uu kusoo noqon doono dalalka Yurub, marka la galo xiliyada qaboobaha ama wixii ka danbeeyo Bisha September.

Anders Tegnel oo ah maamulaha hey´adda caafimaadka dadweynaha ee Sweden, ayaa sheegay in qiyaas ay sameeyeeen khuburada caafimaadka Sweden ay sheegeyso in xanuunka Corona uu mar kale dili karo dad gaarayo ilaa 5.800 qof, marka uu soo noqdo xiliyada qaboobaha.

Balse wuxuu sheegay in dadka kunool dalka Sweden ay hada la qabsadeen xanuunka Coronavirus, ayna kasoo gudbeen marxaladii ugu adkeyd ee xanuunka, uuna jirkooda sameeyay difaaca ilaa xad adag oo xanuunka looga hortagi karo. Uuna guud ahaan dalka Sweden u diyaarsanyahay soo rogaal-celinta marxalada labaad ee Coronavirus.

Dhanka kale wuxuu sheegay in dalalka markii hore doortay in wax walba xiraan, ay sugeyso marxalad ka daran tii hore. Wuxuuna tusaale ahaan usoo qaatay dalka Norway, isaga oo sheegay in dhimashada Norway ay ka badnaan doonto tan dalka Sweden.

Xigasho/kilde: Svenske helsemyndigheter frykter dobbelt så mange coronadødsfall.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x