torsdag, mai 2, 2024

Isbadal lagu sameeyay adeega boostada Norway: Labadii maalinba, hal mar.

Laga bilaabo maanta oo Talaado ah, waxaa isbadal lagu sameeyay adeegii boostada Norway. Halka wixii maanta ka horeeyay ay qofku maalin walba warqado usoo dhici jireen, wixii hada hada ka bilowdo waxaa boostadu ay qofka warqadihiisa u keeni doontaa labadi maalinba hal mar.

Waxaa arintan sabab u ah isbadal lagu sameeyay xeerka boostada Norway, kaas oo dhaqangalkiisu uu ka bilaabanayo maanta oo ay taariikhdu tahay 07-07-2020.

Adeega warqado geynta ee Boostada Norway ayaa shanta maalin ee isbuuca(Maalmaha shaqada) shaqeyn jirtay, ayaa wixii hada ka danbeeyo u shaqeyn doonaa maalin dhaaf.

Xigasho/kilde: Endring i levering av post og pakker fra 7. juli 2020

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x