fredag, april 26, 2024

Deg-deg: Nin soomaali ah oo daqiiqado kahor sadex qof ku dhaawacay Sarsborg.

Sida ay daqiiqado kahor noo xaqiijiyeen masuuliyiin katirsan jaaliyada soomaaliyeed ee Sarborg, nin soomaali ah oo maskax ahaan u yara xanuunsanaa, ayaa caawa sadex qof oo dumar ah toori ku dhaawacay magaalada Sarsborg.

Labo kamid ah dadka dhaawaca ah ayay boolisku xaqiijiyeen in dhaawacoodu uu yahay mid daran.

Sidoo kale labo qof oo kamid ah sadexda qof ee ninkan uu dhaawacay, ayaa naloo sheegay inay yihiin soomaali.

Guud ahaan Warbaahinta Norway ayaa dhacdadan caawa aad u hadalheyso, iyada oo boolis tiro badan ay caawa gaaf-wareegayaan magaalada Sarsborg, waxaana ay boolisku dadka ka codsadeen inay ka dheeraadaan aaga uu wax ka dhacay.

Wixii kusoo kordho dib ayaan kasoo galin doonaa.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x