onsdag, januar 22, 2025

Norway: Dowlada oo ogolaatay in loo safri karo wadamadan, iyo hal gobol oo Sweden ah.

Reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg ayaa shir jaraa´id oo ay maanta qabatay ku shaacisay qorshayaal cusub oo dowladu ku fududeyneyso isku socodka dadka Norway degan iyo wadamada dibadda ah.

Reysulwasaaraha ayaa sheegtay in dowladu ay ilaa hada ogoshahay oo kali ah in loo soo safro wadamada ilaa hada xakameeyay faafitaanka xanuunka. Dhamaan dalalka Nordica, marka laga reebo Sweden ayaa lagu tirinayaa dalalka ku guuleystay xakameynta xanuunka, sida ay sheegtay Erna Solberg.

Lga bilaabo 15-ka bisha Juni, dowlada ayaa ogolaatay in loo safri karo dhamaan wadamada Nordica( Denmark, Finland iyo Iceland), marka laga reebo Sweden. Balse dowlada ayaa ogolaatay in loo safri karo oo kali ah jasiirada Gotland ee dalka Sweden, halka dhamaan gobolada iyo degmooyinka kale ee Sweden ay dowladu wali u aragto in xanuunku uu saameyn xoogan ku leeyahay.

Dowlada ayaa dhanka kale ogolaatay in qofka Norway ka tagay ee Denmark u socdo uu sii dhexmari karo Sweden, halka qofka Denmark kasoo baxay ee Norway usoo socdana uu soo dhex maro Sweden. Balse ay waajib ku tahay inuusan ku dhixin ama seexan gudaha dalka Sweden.

Xigasho/kilde: Nye reiseregler: Åpner for reiser til hele Norden – kun Gotland i Sverige

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x