lørdag, april 27, 2024

Madaxa shirkadan weyn: Guriga ayay shaqaalaha ka shaqeyn karaan.

Madaxa shirkada weyn ee Telenor, Sigve Brekke oo maanta e-mail u wada diray dhamaan shaqaalaha ka shaqeeyo shirkada, ayaa sheegay in wixii hada ka danbeeyo aysan shaqaaluhu ku qasbanaan doonin inay shaqada imaadaan, balse ay ku shaqeyn karaan guryahooda ama meeshii kale oo ay rabaan.

Sigve ayaa sheegay in intii lagu jiray xaalada xanibaada Corona-virus la ogaaday in shaqooyin badan laga qaban karo guryaha, wuxuuna raaciyay in 90% shaqaalaha shirkada oo 20.000 gaaraya ay guryahooda shaqada shirkada ka wadeen, shaqaduna aysan istaagin. Arintaas oo uu sheegay inay u noqotay mid indhaha u furtay, uuna rajeynayo in wax badan laga baran doono mustaqbalka.

Madaxa shirkada Telenor oo ka howlgasha ilaa sagaal wadan oo caalamka ah, ayaa sheegay in wixii hada ka danbeeyo loo baahanyahay isbadal ku imaada qaabka shaqada shirkadaha, isaga oo raaciyay inuu mustaqbalka rajeynayo in shaqaalaha ay sadex maalin shaqada imaadaan, labo maalin oo kalena ay guryaha ka shaqeeyaan.

Xigasho/kilde: Telenors ansatte trenger ikke møte fysisk på jobb i fremtiden

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x