lørdag, april 27, 2024

Daawo: Soomaalida Oslo oo 6 bilood ku dhistay labo jaaliyadood oo kala duwan.

Dhamaadka sanadkii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada ee soomaalida Norway lasoo galiyay muuqaalo laga soo duubay goob la sheegay inuu ka dhacay shir lagu doortay jaaliyad loo dhisay soomaalida Norway, taas oo su´aalo badan la iska weydiinayay qaabka loo maray dhisitaankeeda iyo saxnimadeeda.

Labadii maalmood ee ugu danbeeyay, waxaa iyadana baraha bulshada ee soomaalida Norway lasoo galiyay muuqaal laga soo duubay goob uu ka dhacay shir lamid ah kii dhacay 6 bilood kahor, kaas oo la sheegay in lagu doortay gudoomiye cusub oo ay yeelaneyso jaaliyada soomaaliyeed ee Norway. Waxaana goobta uu shirkaas ka dhacay fadhiyay odoyaal magac ku dhex leh bulshada soomaalida Norway. Halkan daawo muuqaalka laga duubay doorashada la sheegay inay halkaas ka dhacday.

Marka la isku daro labada doorashaba, waxey ka dhigantahay in soomaalida Oslo oo kali ah ay lixdii bilood ee ugu danbeysay sameeyeen labo jaaliyadood oo kala duwan, kuwaas oo mid walba la sheegay inay leedahay gudoomiye u gaar ah. Waa sida muuqato doorashooyinkan loo maray qaabab isku eg, hadana iska soo horjeedo.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x