lørdag, april 27, 2024

Wadan xuduudkiisa u furi doono Norwiijiyaanka fasax doonka ah.

Wadanka Giriiga ayaa laga bilaabo 15-ka bisha Juun, xuduudkiisa u furi doono muwaadiniinta fasax raadiska ah ee 20 wadan oo Norway ay kamid tahay. 20-ka wadan ayaa lagu tilmaamay inay yihiin wadamada ilaa xad ku guuleystay xakameynta is qaadsiinta xanuunka covid-19.

Giriiga ayaa xuduudkiisa u furi doono dalalka Norway, Denmark, Germany iyo 17 wadan oo kale oo lagu sheegay inay yareeyeen isqaadsiinta dadkooda ee xanuunka covid-19. Waxaana liiskaas ku jirin muwaadiniinta wadamada Mareykanka, Ingiriiska iyo Sweden.

Inkasta oo Giriiga ay xuduudkooda u fureen Norwiijiyaanka, hadana wasaaradda arrimaha dibadda Norway ayaa dadka uga digeyso safaradda dibadda ah ilaa laga gaaro 20-ka bisha August. Waxeyna dowladu sheegtay in qofkii kasoo noqdo safar dibadda ah uu karantiil gali doono mudo 10 maalmood ah.

Sidoo kale shirkadaha waaweyn ee diyaaradaha ayaa kansalay safaradoodii fasaxa xagaaga ilaa bisha August ee sanadkan.

Xigasho/kilde: Hellas åpner for nordmenn fra 15. juni

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x