lørdag, mai 11, 2024

Solberg: Safar dibadda ah ma jiri doono, ilaa 20-ka August.

Reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg iyo wasiiro katirsan xukuumadeeda, oo daqiiqado kahor soo gaba-gabeeyay shir saxaafadeed ay uga hadleyeen qorshaha dowlada ee safarada xagaaga, ayaa sheegay in Norway sii wadi doonto xayiraada xuduudaha ilaa 20-ka bisha August.

Reysulwasaaraha ayaa sheegtay in qorshaha koowaad ee dowlada uu yahay in xanibaadaha xuduudaha Norway ee safaradda dibadda ah ay sii socdaan ilaa 20-ka bisha August, laakiin qiimeyn lagu sameyn doono bisha Juuni iyo Luulyo dhexdooda, lana fiirin doono sida ay xaaladu noqoto markaas.

Dowlada ayaa sheegtay in 15-ka bisha Juun(Lixaad) ay qiimeyn doonaa in la ogolaado safarada wadamada Nordica, sidoo kale 20-ka Bisha luulyo(7-aad) la qiimeyn doono la furo safarada wadamada Yurubta ee aan Norway ka fogeyn.

Reysulwasaaraha ayaa dadweynaha Norway ugu baaqday inay sanadkan fasaxooda ku qaataan gudaha dalka, ayna kala bartaan, kuna dalxiisaan Norway.

Wasiirka arrimaha dibadda Ine Eriksen Søreide ayaa dhankeeda sheegtay in wadamada Yurub qaarkood ay bilaabeen inay dabciyaan xeerarka xanibaada safarada gudaha, balse ay wali jiraan waxyaabo badan oo aan laga ogeyn saameynta xanuunka iyo sida ay xaaladu noqon doonto.

Xigasho/kilde: Regjeringens nye reiseråd for ferien: – Opprettholder UDs reiseråd til utlandet

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x