fredag, april 26, 2024

Qaabka ayay dowladu rabtaa inay u caawiso qoxootiga iyo ajaaniibta, Corona kadib.

Dowlada Norway ayaa maanta soo bandhigtay qorshe ay xukuumadu rabto in dib loogu soo celiyo isku socodka nolosha iyo ganacsiga caadiga ahaa, kadib 2 bilood iyo bar uu wadanku xirnaa. Mid kamid qodobada ay dowladu soo bandhigtay ayaa ahaa inay lacag gaareyso 456 milyan kr ay u qoondeesay arrimaha soo galootiga iyo dadka qoxootiga ah ee wadanka ku cusub.

Shirka jaraa´id ee dowlada waxaa lagu sheegay in qoxootiga wadanka ku cusub iyo ajaaniibta kaleba ay kamid yihiin dadka nugul ee kamid ah bulshada, kuwaas oo dhibaato dhaqaale oo xoogan ay kasoo gaartay dhibaatada xayiraada xanuunka Corona. Waxeyna dowladu balanqaaday inay si gooni ah qodobo caawineed oo gaar u sameyn doonto qoxootiga iyo ajaaniibta.

Wasiirka waxbarashada iyo isdhexgalka Guri Melby ayaa sheegtay in qoxootiga iyo ajaaniibta ay kamid yihiin dadka ay saameynta xoogan ku yeelatay shaqo la´aanta ka dhalatay xanuunka Corona-Waxeyna balanqaaday inay dowladu xoog galin doonto in dadkaas shaqooyin ay dib u helaan.

Waxyaabaha ay dowladu soo jeedisay waxaa kamid ah:

  • In waqtiga barnaamijka intro-ga loo kordhiyo qoxootiga cusub, si ay u helaan waqti dheeri ah oo ay fursad shaqo ama waxbarasho ku helaan.
  • In qoxootiga iyo ajaaniibta xaq loo siiyo fursad waxbarashado luuqadeed oo cusub taas soconeyso 6 bilood.
  • In la sameeyo qaab ay dadka ajaaniibta ah ay digital(Internetka) ahaan u baran karaan luuqada Norwiijiga
  • In la kordhiyo dhaqaalaha ay dowladu siiso barnaamijka fursadcusub(Nysjansen), kaas oo ah barnaamij loogu talagalay in fursad shaqo helis oo cusub loogu sameeyo dadka ajaaniibta ah ee wadanka mudo ku noolaa, shaqana aan helin.

Xigasho/kilde: 456 millioner til flyktninger og nyankomne innvandrere

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x