onsdag, mai 8, 2024

Khuburo: Manshaus wuu caafimaad qabaa maskax ahaan, waana loo ciqaabi karaa danbiga.

Isbuucii ugu danbeeyay, waxaa maxkamada magaalada Oslo ka socotay maxkamadeynta Philip Manshaus oo ahaa ninkii ka danbeeyay weerarkii argagaxiso ee lagu qaaday masaajidka Al Noor ee magaalada Bærum.

Ninkan ayaa ku eedeysan dil uu u geystay gabar asal ahaan Shiinaha kasoo jeedo oo uu aabihii soo korsaday, taas oo uu dilay saacad kahor inta uusan weerarka kusoo qaadin masaajidka Al Noor. Iyo isku deyga dilka weerarka argagaxiso ee uu ka geystay masaajidka. Inkasta oo lagu guuleystay in laga hortago weerarka uu rabay inuu ku laayo muslimiinta ku cibaadeysaneysay masaajidka.

Sadex khuburo ku xeeldheer caafimaad qabka maskaxda qofka danbiilaha ah, ayaa mar kale cadeeyay in ninkan eedeysanuhu uu caafimaad qabo maskax ahaan, loona ciqaabo karo danbiga lagu eedeeyay. Khubaradan ayaa la socday maxkamadeynta Manshaus, iyaga oo qiimeynayay hadaladiisa iyo qab-dhaqankiisa jir-hadal ahaaneed, intii ay socotay dhageysiga maxkamadeyntiisa. Waxeyna isku raaceen in Ninkan uusan qabnin wax dhibaato caafimaad oo maskaxda ah.

Waa markii labaad oo Manshaus la cadeeyo in caafimaad ahaan uu san wax dhibaato ah qabin. Khuburo horey ugu booqatay xabsiga, lana yeeshay wareysi iyo la sheekeysi, ayaa iyagana cadeeyay inuu caafimaad ahaan maskaxdiisu ay fiicantahay, loona ciqaabo karo danbiga lagu soo eedeeyay.

Ninkan ayaa horey u sheegay inuu rabay inuu dilo dadka muslimiinta ah ee ugu badan, wuxuuna markii hore qiimeeyay inuu weerar ka geysto xaafada Grønland ee ajaaniibtu ay ku badantahay.

Halkan kala soco wararka ugu danbeeyay ee maxkamdeynta ninkan: Rettssaken mot Philip Manshaus

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x