onsdag, mai 8, 2024

Jaaliyada S. Norway oo lacag uruurin u sameynayo Qardho

Soomaalida dalkan Norway ayaa maalmihii dhaweyd baraha bulshada iyo aaladaha lagu wada xiriiro ka waday howlo lacag uruurin gurmad loogu sameynayo dadka ay waxyeeladu kasoo gaareen roobabka ka da´ay magaalooyinka Qardho iyo Baardheere.

Gudi isku xilsaaray lacag uruurinta magaalada Qardho oo NorSom News xiriir lasoo sameeyay, ayaa noo sheegay inay maalmihii ugu danbeeyay wadeen lacag uruurin loo sameynayo dadka ku dhibaatoobay daadadka roobka ee Qardho, ayna sii wadi doonaan isbuucyada soo socdo. Macluumaadka gudigaas lacag uruurin Qardho ka fiiri Sawirka hoose. Ka qeybqaado gurmadka magaalada Qardho.

Sidoo kale dhalinyaro isxilqaantay ayaa iyagana baraha bulshada ka sameynayo lacag uruurin loogu talagalay dadka ku dhibaatoobay fatahaada wabiga ee magaalada Baardheere ee gobolka Gedo. Halkan ka fiiri, kuna taageeri wixii aad awoodo.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x