fredag, april 26, 2024

Haweenaydii Towfiiq ku dhex qaniintay haweeneyda kale oo maxkamad lasoo taagayo.

Sida uu qoray wargeyska VG, haweenay 52 sano jir oo bishii Februar masaajidka soomaalida ee Towfiiq haweenay kale farta qaniinyo ugu goysay, ayaa lasoo taagi doonaa maxkamad.

Haweeneydan dhibanaha ah oo da´deedu ay tahay 30-meeyo sano jir ayaa waxaa qaniinyo looga gooyay qeybta kore ee mid kamid ah faraheeda, waxaana loola cararay isbitaalka gargaarka deg-dega ee Oslo. Halkan ka akhri warka arintaas ku saabsan.

Haweeneydan falka geysatay ayaa waxaa ay boolisku dhigeen xabsiga, kadib markii ay soo gaareen meesha uu falka ku dhacay oo aheyd gudaha masaajidka weyn ee Towfiiq.

Sida uu qoray VG, kiiska haweeneyda eedeysanaha ah ayaa ku saabsan danbi dhaawac jirka ah oo loo geystay qof. Waxeyna xeer ilaalintu sheegtay in dhaawaca jir ahaaneed oo haweeneydan ay geysatay loo arkayo mid daran, maadaama uu noqon karay mid aan laga bogsan ama uu sababi karay in dhibanahu uusan awood u lahaan inuu shaqeysto xili dheer.

Dhageysiga maxkamadeed ee kiiska dacwada haweeneydan soomaalida ah ee 52 sano jirka ah, ayaa loo qoondeeyay inuu dhaco 8-da bisha September ee sanadkan.

Xigasho/kilde: Kvinne tiltalt for å ha bitt av lillefingeren til kvinne i moské

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x