lørdag, april 27, 2024

Gabar 27-sano jir wasiir ka noqotay mid kamid ah wasaaraddaha ugu culus Norway.

Wasiirka wasaaradda qoyska iyo caruurta Norway, Kjell Ingolf Ropstad oo dhawaan mar kale aabe noqday(ilmo uu u dhashay), ayaa gali doono fasaxa waalidka uu u dhashay ilmaha cusub. Waxaana badalkiisa wasiir si ahaan doonto, inta uu fasaxa ku maqanyahay, Ida Lindtveit Røse oo kamid ah siyaasiyiinta dhalinyarada ah ee katirsan xisbigiisa Krf.

Wasiiradda cusub ee caruurta iyo qoyska Norway, Ida Lindtveit Røse ayaa noqon doonto qofkii ugu da´da yaraa ee abid xil wasiir ka qabto Norway. Waxeyna xilkeeda cusub la wareegi doontaa 2- bisha Juun ee sanadkan, iyada oo xilkaas sii heyn doonto, ilaa uu kasoo noqdo wasiirka fasaxa ku maqan.

Kjell Ingolf Ropstad oo sidoo kale ah gudoomiyaha xisbiga KRF, ayaa soo xushay Ida Lindtveit Røse, isaga oo sheegay inuu ku qabo kalsooni ah inay si waafi ah u gudan doonto xilka wasiirnimo.

Xigasho/kilde: Ida Lindtveit Røse (27) blir tidenes yngste statsråd.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x