Sida lagu sheegay tirokoob ay soo saartay laanta caafimaadka dadweynaha ee FHI, ku dhawaad 90% dadkii uu ku dhacay xanuunka Covid-19 Norway gudaheeda, ayaa ka bogsooday xanuunka.
Tiradaas oo ka dhigan in ku dhawaad 7.000 qof oo xanuunka Covid-19 uu ku dhacay, ayna hada yihiin dad aan xanuunka qabin.
FHI ayaa sii raacisay in dadka loo diiwaangaliyay inay xanuunka ka bogsoodeen ay yihiin:
Dadka uu xanuunku ku dhacay, isbitaalna aan u galin, kuwaas oo 14 maalmood kadib aan lagu arkin calaamadihii xanuunka.
Dadka isbitaalka xanuunka u galay, balse ka badbaaday inay u geeriyoodaan, 30 maalmood kadibna aan isku arkin calaamadihii xanuunka.