fredag, mai 10, 2024

Erna Solberg: Mar kale ayaan kursiga isku soo sharixi doonaa.

Reysulwasaaraha dalkan Norway, Erna Solberg oo tan iyo sanadkii 2013 reysulwasaare ka aheyd Norway, ayaa sheegtay inay mar kale u tartami doonto qabashada kursiga baarlamaanka, doorashada dhici doonto sanadka soo socdo ee 2021.

Erna Solberg oo 59 sano jir ah ayaa xisbiga Høyre Hogaamiye ka aheyd tan iyo sanadkii 2004, waxeyna aqbashay soo jeedinta gudiga xulista musharaxiinta xisbigeeda ee ku saabsanaa inay sii heyso hogaanka xisbiga iyo kan xubinimada baarlamaanka.

Solberg oo lagu xusuusto inay tahay Reysulwasaare qunyar socod dilaa siyaasadeed oo qarsoon ah, ayaa lagu xusuustaa inay 6 sano isku heysay xisbiyo aragti ahaan aad ugu kala fog siyaasada, gaar ahaan Frp, Venstre iyo Krf.

Waxaana mudadii ay xilka heysay Norway soo wajahay caqabado dhaqaale iyo kuwo bulsho oo aad u waaweyn, kuwaas oo dhamaantood ay ku muteysatay amaan iyo dhaliilo la xiriira qaabka ay u maareysay. Si gaar ah waxaa lagu xusuustaa hoos u dhici qiimaha shidaalka ee sanadkii 2014, iyo tan hada taagan ee Corona-virus.

Erna Solberg ayaa wareysi ay bixisay ku sheegtay in siyaasada ay ku jiri doonto mudo ka badan tii ay qorsheysay, ayna wali jiraan waxyaabo badan oo qabyo u ah, ayna rabto inay qabato.

Xigasho/kilde: Erna Solberg sier ja til gjenvalg

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x