fredag, april 26, 2024

Dowlada oo ogolaatay safarada shaqo ee wadamada Nordica.

Go´aan kasoo baxay dowlada Norway, ayaa maanta lagu sheegay in wixii ka danbeeyo kowda bisha Juni ay dowlada Norway ogolaatay safarada la xiriira shaqooyinka ee wadamada Nordica dhexdooda ah. Waxeyna dowladu sheegtay in qofkii safar shaqo kaga soo noqdo wadamada Nordica, uusan gali doonin karantiil 10 bari.

Wasiiradda ganacsiga Norway, Iselin Nybo ayaa shirka jaraa´id ka sheegtay in furitaanka safarada shaqo ee wadamada Nordica ay muhiim u tahay isku socodka ganacsiga Norway iyo dib usoo celinta kobaca dhaqaale. Muhiimada go´aankan loo gaareyna ay tahay in shaqaalaha wadamada Nordica kasoo jeedo, loo fududeeyo inay ka shaqeyn karaan shirkadaha ganacsiga ee Norway ka dhisan.

Sharciga karantiilka oo la fududeeyay:

Wasiirka caafimaadka ayaa sidoo kale sheegay in dowladu ay fududeysay sharciga karantiilka ee qofka la kulmo qof xanuunka corona-virus qaba. Wixii ka danbeeyo hada, waxaa karantiil gali doono oo kali ah qofkii la degan ama ama la nool ama xiriir dhow la leh qof uu ku dhacay Corona-virus. Taas oo ka dhigan in qofkii banaanka kula kulma qof corona qabo uusan gali doonin karantiil.

Wasiiirada dowlada ee shirka qabtay ayaa sidoo kale sheegay inay 1-ka bisha Juni qaban doonaan shir jaraa´id oo ay dowladu rabto inay ku iclaamiso qodobo lagu fududeynayo sharciyada xakameynta xanuunka Corona.

Xigasho/kilde: Fra og med 1. juni endres det på blant annet karantenereglene

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x