Norway: Tirada dadka isbitaalka u jiifa covid-19 oo hoos u dhacday.

0
85

Sida lagu sheegay tirokoobkii ugu danbeeyay oo ay sameysay FHI, waxaa ilaa hada xanuunka Covid-19 Norway gudaheeda laga helay 6489 qof, waxeyna tirada dadka u geeriyooday xanuunkan maanta gaartay 134 qof.

Tirada dadka xanuunkan u jiifa isbitaalada Norway, ayaa hada gaareyso 204 qof. Waxaa tirada dadka xanuunkan uu soo ritay ee isbitaalka yaalo ku yimid hoos u dhac, tan iyo 23-kii Maarso oo ay gaartay meeshii ugu sareysay.

58 qof oo kamid ah dadka isbitaalka yaala ayaa waxaa ku xiran mashiinka neefta, kadib markii uu xanuunka ka sameeyay neefmareenka, ayna u baahdeen caawinta neefsiga mashiinka.

Dowlada Norway ayaa isbuucii hore ku dhawaaqday inay ku guuleysatay xakameynta xanuunkan, maadaama tirada dadka xanuunka qaadey ay sii qaadsanayaan ay tahay 0,7 qofkiiba.

Norway ayaa sidoo kale isbuucyada soo socdo bilaabeyso inay furto qeybo kamid ah xarumaha waxbarashada iyo ganacsiga yar-yar.

Si aad ula socoto wararka NorSom News oo maqal iyo muuqaal ah, halkan riix, kadibna Subcribe saar(Abonner).

Xigasho/kilde: 204 på sykehus med korona

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments