fredag, april 26, 2024

NAV: Waxaan ka warhelnay 100 kiis oo la xiriira khiyaano «Shaqo ka fariisin»

Hey´adda NAV ayaa maanta sheegtay in ilaa hada ay ka war heleen 100 kiis oo la xiriira shirkado iyo dad isku dayay wax isdabo marin ku saabsan nidaamka shaqo ka fariisinta(Permitteringsordningen).

87 kiis oo kamid ah kiisaska NAV ay ka warheshay ayaa la xiriira shirkado ku shaqeynayay dad ay ku amreen inay shaqada ka fariistaan, NAV-na ay lacag ka codsadaan. Shirkadaha ugu badan ee NAV ay ka warheshay inay arintan sameeyeen ayaa ka howlgala suuqyada Dhismaha, adeega maalinlaha(Dukaamada) iyo maqaaxiyaha.

Halka 13 kamid ahna ay yihiin dad sameeyay khiyaano la xiriirta nidaamka shaqo ka fariisinta ee qofku ay dowladu dhaqaale ahaan caawiso, marka shaqada laga fariisiyo. Dadkan ayaa ah kuwo iyaga oo NAV ka codsaday lacagta shaqo ka fariisinta, soona wargaliyay in shaqadii laga fariisiyay ama ay waayeen, hadana siyaabo kala duwan usii watay qeybo kamid ahaa shaqooyinkoodii.

Hey´adda canshuuraha ayaa iyadna dhankeeda sheegtay inay ka warheshay ilaa 30 kiis oo la xiriira wax isdabo marin ku saabsan go´aanada la xiriira xakameynta corona-virus.

Xigasho/kilde: Nav har fått 100 tips om koronasvindel

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x