Foto: CNN

Sida ay NorSom News u xaqiijiyeen ehelada iyo saaxiibadiisa gaarka ahaa, waxaa caawa geeriyooday qofkii ugu horeeyay ee soomaali ah ee ilaa hada inta la ogyahay u geeriyooday xanuunka Corona-virus.

Marxuumka geeriyooday ayaa ahaa oday waayeel ah, oo xili da´aad danbe kujiro, wuxuuna ahaa AHU oday aad looga yaqaanay, laga qadariyo xaafada Tøyen ee soomaalidu ay ku badantahay ee Oslo.

Waxaana naloo xaqiijiyay in marxuumka dhintay uu isbitaalka yaalay maalmihii ugu danbeeyay, kadib markii ay neeftu ku dhagtay xanuunka owgiis.

Ilaa 10 qof oo kale oo soomaali ah ayaa sidoo kale naloo xaqiijiyay inay isbitaalada Oslo u yaalaan xanuunkan oo soo ritay owgiis.

Wixii warar kusoo kordh arrimahan dib ayaan kasoo galin doonaa.

Wararka NorSom News oo maqal iyo muuqaal ah, kala soco barteena Youtube-ka-NORSOM TV: Halkan riix, kadibna Subcribe saar(Abonner).

Halkan ka daawo booliska Oslo oo soomaalida faraya inay qaataan amarada booliska.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments