Erna Solberg oo diyaarisay qofkii badali lahaa, lacala hadii……

0
217
Iselin Nybo: Wasiirka ganacsiga Norway. Foto: Venstre

Boqorka iyo boqorada Norway, iyo dhowr wasiir oo kamid ah dowlada Norway ayaa lagu sameeya karantiilis, iyada oo looga shaki qabo inay qaadeen caabuqa Corona-Virus.

Reysulwasaaraha dalkan Norway, Erna Solberg ayaa shaley sheegtay inay sii magacowday qofkii dalka sii maamuli lahaa, oo booskeeda buuxin lahaa, hadii ay dhacdo inay xanuunsato ama sabab kale darteed ay u qaban weydo shaqada xafiiska reysulwasaaraha, inta lagu gudi jiro xaalad deg-deg ah.

Iselin Nybø oo ah wasiiradda tacliinta sarre iyo cilmibaarista ayay Solberg u dooratay inay noqoto, reysulwasaare kumeel gaar ah, hadii ay iyadu meesha ka baxdo.

Iselin oo kamid ah xisbiga Venstre ayaa booskaas loo magacaabay, kadib markii maalin kahor ay is casishay wasiirkii dhaqanka, aheydna gudoomiya xisbiga Venstre.

Xigasho/kilde: Hun var «regjeringens minst synlige» – nå kan hun plutselig bli statsminister.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments