21-jirkan ayaa Oslo jimcihii lagu dilay.

0
113
Sawirka:Halil Kara- 21 jirka Oslo lagu dilay jimcihii. Foto: Privat

Fiidnimadii jimcaha, waxaa magaalada Oslo, gaar ahaan xaafada Søndre Nordstrand lagu dilay Halil Kara oo ahaa 21-jir asalkiisu uu Turki yahay. Dilka oo ka dhacay goobta caanka ah ee loo yaqaan Prinsdal ayay boolisku wali sheegin sababta loo dilay iyo waliba cida ka danbeysay dilka wiilkan oo loo adeegsaday xabad.

Booliska ayaa ilaa hada aqoonsan cida ka danbeysay dilka wiilkan, iyaga oo sheegay inay wali wadaan baaritaanka kiiska dhacdadan.

Dad goob joog ka ahaa meesha uu dilka ka dhacay ayaa sheegay in dilkan uu ahaa mid qorsheysan oo si toos ah loogu beegsanahay 21-jirka la dilay. Wuxuuna xiliga la dilayay uu la socday saaxiibadiis, isaga oo ku socday xaafadiisa oo aan wax badan ka dheereyn goobta lagu dilay.

Wiil kale oo saaxiibkiis ay ayaa isna isla goobtaa Halil Kara lagu dilay lagu dhaawacay mindi, kaas oo markii danbe dhaawiciisa loo qaaday.

Sida ay qoreen warbaahinta qaarkood, 21-jirka la dilay ayaa maalmo kahor inta aan la dilin ay boolisku ku ganaaxeen, kadib markii uu buuq ka kiciyay kiis la xiriira xurguf ka dhaxeysa afar kooxood oo gaangis ah, kuwaas oo ka dhisan xaafada Oslo qaarkood.

Xigasho/kilde: Halil Kara (21) skutt og drept i Prinsdal

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments