Reysulwasaaraha dalka Sweden, Stefan Löfven ayaa shaley soo bandigay a isku shaandeyn uu ku sameeyay golihiisa xukuumada, isaga oo soo magacaabay wasiiro uu kamid yahay Ardalan Shekarabi.
Shekarabi oo asal ahaan ay waalidkii kasoo jeedaan dalka Iiraan, ayaa markii labaad loo magacaabay jago wasiirnimo. Waxaana shaley loo magacaabay wasiirka ceymiska.
Ra’iisal wasaaraha Sweden, Stefan Lofven ayaa sheegay in Ardalan Shekarabi howlaha ugu horreysa ee uu ka qaban doono wasaaradda cusub ay ka mid tahay xoojinta nidaamka ceymiska dadka hawlgabka ah iyo qaabka uu u shaqeeyo .
Shekarabi ayaa la sheegay inuusidoo kale xaqqijin doona in dadka aan shaqeyn kareyn xanuun dartiisa in ay heli doonaan ka warqab iyo xasilooni dhaqaale.
Waxaa dalalka Woqooyiga Yurub kusoo badanayo dadka asal ahaan ajaabiinta ah, balse jagooyin saro ka qabanayo xukuumadaha dalalka Yurub.
Xigasho/kilde: SverigesRadio