Dowlada Ruushka oo xuduud oo kala dhaxeeyo qeybo kamid ah deegaamada Woqooyiga fog ee Norway, ayaa dib u casriyeyn ku sameysay nidaamka difaaca hawada ee xuduudka labada dal.
Dowlada Ruushka ayaa Radarka gantaalaha loo yaqaan «Bal-kystmissilsystemet»soo dhigay meel aan ka fogeyn jirta xuduud badeedka labada wadan ee Badda Barents. Waxaana meesha la dhigay gantaalaha ay 70 KM u jirtaa magaalada Vadsø ee Woqooyiga dalkan Norway.

Gantaalaha difaaca ee Ruushka ay soo dhigeen xuduudka Norway, ayaa loo sameeyay qaab ah inay wax ka burburin kraan 150 Km oo wareeg ah.
Dadka aqoonta u leh xiriirka labada wadan, ayaa sheegay in arintan ay Ruushka tahay muujinta sida ay uga xunyihiin gantaalo ay Norway ku xirtay meel aan ka dheereyn magaalada Vadsø.
Xigasho/kilde: Nytt russisk missilsystem satt ut på grensa mot Norge.