Qareenka wadaadka Mulla Krekar, Brynjar Meling ayaa maanta sheegay inuu racfaan ka qaatay go´aanka ay PST-du xabsiga ku dhigtay wadaadka oo ku eedeysan fal argagixiso.
Qareenka ayaa sheegay ineysan jirin sabab xabsiga loo dhigo Krekar, isaga oo sheegay inuu racfaan ka gudbiyay go´aanka PST-da, uuna dalbaday in xabsiga laga sii daayo.

Dhanka kale dowlada Talyaaniga ayaa maanta soo dalbadatay in loo soo gacangaliyo wadaadka oo maxkamad kutaal ay ku xukuntay 12 sano oo xabsi ah.