Dowlada hoose ee magaalada Eskilstuna ee dalka Sweden ayaa soo rogtay go´aan ku saabsan in dadka magaaladaas ku dhex tuugsada, ay bixiyaan 250 kr, si loogu ogolaado howsha tuugsiga.
Dowlada hoose ee Eskilstuna ayaa qofka raba inuu magaalada ku dhex tuugsado ku amartay inuu soo dirsado codsi ogolaansho uu ku dalbanayo, isla markaana uu soo raaciyo lacag dan 250 kr.
Dhamaan dadka ka dhex tuugsada magaaladaas ayaa lagu wargaliyay go´aankan cusub, balse ilaa hada majiro qof soo dirsaday codsi rasmi ah oo tuugsiga loogu ogolaanayo.