Xafiiska reysulwasaaraha Norway, ayaa xubnaha golaha wasiirada dalkan uga digay inay adeegsadaan gaadiidka dadweynaha ee magaalooyinka waaweyn ee wadanka, sababo dhanka amniga la xiriira dartood.
Xafiiska ayaa wasiirada ka codsaday inay adeegsadaan baabuurta dowlada, ama ay qaataan taxi- u gaar ah, ayna yareeyaan ama joojiyaan adeegsida gaadiidka dadweynaha.
Arintan ayaa timid kadib qiimeyn ay hey´adda sirdoonku ku sameysay nabadgalyada xubnaha golaha wasiirada, marka ay raacaan ama la sondan gaadiidka dadweynaha ee magaalooyinka ka dhex shaqeeyo.
Horey waxaa wasiirada loogu ogolaa inay adeegsadaa baabuurta dowlada, marka ay shaqada kujiraan ama howl gaar ah ay u baxaan. Balse Xafiiska Reysulwasaaraha ayaa hada wasiirada ka codsanayo inay adeegsadaan baabuurta dowlada, xitaa márka ay u baxayaan howlahooda gaarka ah.
Xigasho/kilde: Statsministerens kontor ber statsråder droppe kollektivtransport.