Wasaarada arrimaha dibadda dalka Sweden ayaa qoraal ay u dirtay wasaaradaha Arimaha Dibadda Norway ku sheegtay in Helikopter ay leeyihiin booliska Norway, ay ogolaansho la´aan soo gashay hawada Sweden.
Sida uu qoray wargeyska Aftenposten, dhacdadan ayaa dhacday 27-ka bishii May ee sanadkan, waxaana falcelin xoogan ka muujiyay ciidanka difaaca hawadda Sweden, booliska Sweden iyo waliba wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas.
Wasaaradda arrimaha Dibadda Sweden ayaa dhacdadaas ku tilmaantay mid xadgudub ku ah xeerarka hawada Sweden, waxeyna jawaab ka dalbadeen Norway.
Booliska Norway oo lahaa diyaarada ku xadgudubtay hawada Sweden ayaa sheegay in dhacdadaas ay ku dhacday si aan ku talo gal aheyn, waxeyna ku tilmaameen mid mudan in raaligalin laga bixiyo.
Xigasho/kilde: Sverige mener norsk politihelikopter krenket deres territorium.