Sida uu maanta qoray wargeyska lokalka ah ee Varingen oo kasoo baxa deegaanka Nittedal, dowlada hoose ee Nittedal ayaa soomaalida ku dhaqan magaaladaas diidmo ka siisay codsi ku aadan in laga taageero hool ama lokal ay ciida ku kulmaan.
Madaxda ururka Soomaalida ku dhaqan deegaankaas ayaa sheegay inay u baahanyihiin in laga taageero dhaqaalaha hoolka, si ay u kulmaan maalinta Ciida oo ku aadan 10-12 bisha August.
Dowlada hoose ayaa diidmadeeda ku sababeysay, in kommunuhu uusan dhaqaale ugu talagalin kulamada noocaas oo kale.
Xigasho/kilde: Avslo søknad om støtte til id.(Halkan kasii akhri)