fredag, april 26, 2024

Finansavisen: Hantida hogaamiyaha Ap oo 43 milyan ka badan inta uu sheegtay.

Gudoomiyaha xisbiga Ap, Jonas Gahr Større ayaa lagu tiriyaa inuu kamid yahay siyaasiyiinta ugu hantida badan Norway.

Jonas ayaa iska leh 76% saamiyada shirkada Femstøs, halka saamiyada soo harey ee shirkadaas(24%) uu u qeybiyay caruurtiisa. Shirkada Femtøs oo maamusho malaayiin kroner ayaa maalgalin ku sameysatay dhowr shirkadood oo ka shaqeeya hantida ma guurtada ah, maraakiibta, kaluunka iyo shirkado kale oo yar.

Kala xiriir 45970350 ama booqo webkooda(diix sawirka kore).

Større: 68 milyan Ayaan heystaa.

Warbixinta dhaqaale ee uu sanadkan soo bandhigay siyaasigan, ayuu hantidiisa ku qiimeeyay 68 milyan oo kr. Wuxuuna qiimeyntaas ku saleeyay isku darka hantidiisa gaarka ah, mushaarkiisa iyo lacagta keydka ah.

Balse wargeyska Finansavisen oo kamid ah wargeysyada ka warama arrimaha dhaqaalaha ayaa dabagal ku sameeyay hantida siyaasiyigan, waxeyna qiimeyntooda ku sheegeen in hantida Jonas Gahr ay qiyaastii dhantahay 111 milyan oo kroner.

Waxaana qiimeynta wargeyska iyo tan uu Jonas soo bandhigay u dhaxeeyo 43 Milaan oo kroner.

Wargeyska Finansavisen ayaa warbixintooda ku sheegay in qiyaasta dhulka iyo hantida ma guurtada ah(guryaha) ee uu Jonas soo bandhigay, ay tahay mid Aad xaqiiqaa uga fog. Waxeyna raaciyeen in dhulalka iyo guryaha uu siyaasigana leeyahay ay labo jibaar ka badanyihiin inta uu isagu sheegtay.

Hantida Jonas Gahr Større ayaa kamid ahaa waxyaabihii muranka weyn dhaliyay doorashadii 2017, taas oo xisbiga Ap uu kala kulmay jab xoogan.

Xigasho/kilde: Avis: Ap-leder Støre god for 111 millioner kroner

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x