Dhaxal suge Harry: Ma rabo inaan dhalno wax ka badan labo ilmood.

0
93

Dhaxalsugaha boqortooyada Ingiriiska Prins Harry ayaa wareysi uu siiyay wargeyska Vogue ku sheegay in isaga iyo xaaskiisu ay go´aansadeen inaysan dhalin wax ka badan labo ilmood. Lamaanahan oo is guursaday sanadki 2018, ayaa heysta hal ilmo ah.

Harry ayaa arintaas ku sababeeyay in la dhaqaaleeyo kheyraadka dhulka dushiisa ku haray, lana ilaaliyo cimilada iyo deegaanka.

Dhaxalsugaha oo 34 sano jir ah, ayaa wareysiga ku sheegay in waligiis uu aaminsanaa in la yareeyo tirada caruurta, si loo dhaqaaleeyo kheyraadka dabiiiciga ah ee dhulka.

Xigasho/kilde: Prins Harry vil ikke ha flere enn to barn

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments