Norway: Masaajidu ha sheegeen lacagaha wadanka dibadiisa kasoo gasho.

0
98
Kjell Ingolf Ropstad: wasiirka qoyska iyo caruurta. Foto: Twitter

Dowlada Norway ayaa sheegtay inay baaritaan ku sameyn doonto lacagta masaajida kuyaal gudaha Norway kasoo gala wadankiisa dibadiisa.

Wasiirka qoyska iyo sinaanta Kjell Ingolf Ropstad ayaa sheegay in dowladu ay ka cabsi qabto in lacago ka yimid wadamo uu ku tilmaamay inay ku tuntaan xuquuqda bini-aadamka ay soo galaan masaajida kuyaal Norway.

Wasiirka ayaa maanta oo jimce baarlamaanka u gudbin doono hindise sharciyeed uu rabo in baarlamaanka ay u ansixiyaan. Si dowladu ay masaajida uga dalbato inay cadeeyaan lacagaha kasoo gala wadanka dibadiisa.

Kjell Ingolf oo Krf katirsan ayaa sheegay in ujeedadu ay tahay in lacagta taageerada dowlada laga jaro masaajida Deeqaha lacageed ka hela wadamo uu ku tilmaamay inay ku tuntaan xuquuqda bini-aadanka.

Xigasho/kilde: Nrk: Ny troslov: Trossamfunn må opplyse om pengestøtte fra utlandet

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments