Ilhaan Cumar oo la ganaaxay

0
100
Foto: Ilhaam Cumar/Facebook

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa lagu eedeeyay in dhaqaalaha ololihii doorashadii Mareykanka u adeegsatay si gaar ah. 

Guddiga maamula dhaqaalaha ee Minnesota ayaa sheegay in ay jebisay xeerka gobolka, waxayna saareen ganaax lacageed. 

Guddiga ayaa sheegay in Ilhaan ay isticmaashay lacag gaareysa $3,500 oo dollar oo ay ku bixisay safar ay ku aaday Florida iyo qeyb ay ku bixisay canshuur celintii ay sameysay. 

Waxay guddiga sheegayaan in ay heleen cadeyn ah in Ilhaan Cumar kooxdii ololaha u qaabilsanayd ay u iibiyeen tikit diyaarad oo Boston ay ku tagtay, «halkaas oo ay uga qeybgashay kullan siyaasadeed». 

Sidoo kale, qeyb waxaa «lagu bixiyay hoteel ay ka degtay Washington D.C» oo ay uga qeybgashay wareysiga shirka UN ee Girl UP. 

Sida uu ku warramay raadiyaha Shacabka ee Minnesota, Ilhaan Cumar ayaa sidoo kale lagu helay in lacagta ay u adeegsatay safarkeedii Chicago, si ay u aqbasho abaalmarin la siiyay iyo dhaqaale uruurin ay sameysay.

Sida uu qabo sharciga Gobolka, «safarrada waa in ay noqdaan kuwo la xiriira arrimaha xafiiska». Sida guddiga uu sheegay, Ilhaan Cumar, waxay ahayd wakiilka Gobolka markii «xeerka lagu xudgudbay.» 

Sidoo kale, waxaan Ilhaan lagu helay in $1,500 oo dollar, lagu bixiyay arrimo la xiriiray sixidda cashuur celinteeda, taas oo aan la xiriirin ololihii doorashada. Waxayna dalbadeen in la soo celiyo. Waxaana la saaray ganaax gaaraya $500 oo dollar.

Sida uu qoray wargeyska Washington Post, Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in arrintan ay ka dambeeyaan dano siyaasadeed.

Qoraal ka soo baxay kooxdeedii ololaha waxay ku sheegeen in ay «ku faraxsan tahay in baaritaankan uu dhammaaday» ayna ka go’an tahay in ay u hoggaansanto guddiga waxa uu soo saaray. 

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments