Denmark: Xisbiyada midigta oo looga adkaaday doorashadii baarlamaanka

0
151
Foto: Arbeiderpartiet. ReysulwasaarahaDenmark, Mette Frederiksen

Waxaa soo dhamaatay tirinta codadka doorashadii shaley ka dhacday dalka Denmark. Xulufada xisbiyada garabka bidix ee, ayaana ku guuleystay doorashada baarlamaanka, iyaga oo helay isku dar 91 kursi oo baarlamaanka ah.

Halka xisbiyada midigta oo uu katirsanyahay reysulwasaaraha hada talada Hayo, Lars Røkke ay heleen 79 kursi. Waxeyna sidaas ku lumiyeen xukunka Denmark oo ay hayeen sideedii sano ee lasoo dhaafay.

Mette Frederiksen oo ah hogaamiyaha xisbiga Socialdemokratiet, ayaana sida muuqato noqon doonto reysulwasaaraha cusub ee dalka Denmark.

Raysal wasaarihii Denmark Lars Løkke ayaa xaley qirtay in xukuumadiisii laga badiyey, maantana uu wargalin doono boqorada dalkaas.

Xigasho/kilde: DN: De røde har vunnet valget i Danmark

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments