Sida uu qoray wargeyska information.dk, Hey´adda qoxootiga dalka Denmark, ayaa sharciga magangalyada usoo celisay 59 qof soomaali ah, kuwaas oo kamid ahaa 214 qof oo cabasho ka gudbiyay go´aan ahaa inay Denmark isaga baxaan.
Hey´adda oo qof walba si gooni ah kiiskiisa u qiimeysay, ayaa go´aamisay in 59-kaas qof aysan magangalyo waarto ku heli karin Soomaaliya, sababo la xiriira amnigooda shaqsiyeed ama mida qoysaskooda. Sidaas darteedna loo soo celiyo sharcigii magangalyada ee lagala noqday markii hore.

154 qof ee kasoo hartay 214 guud ahaan cabashada gudbiyay, ayaa la siiyay taariikh kama dambeys ah oo ay dalkaas isagaga baxaan.
214 qof ee cabashada ka gudbiyay go´aanka lagu amray inay Denmark isagaga baxaan, ayaa kamid ahaa ku cdhawaad 1200 soomaali ah, kuwaas oo dowlada Denmark sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto baahidooda magangalyo.
Xigasho/kilde:
Information.Dk: Flygtningenævnet omgør hver fjerde inddragelse af somalieres opholdstilladelse