Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay laanta socdaalka dowlada Soomaaliya, dowlada Holland ayaa si rasmi ah u aqoonsatay baasaboorka soomaaliga ah, gaar ahaan nooca diblomaasiga iyo shaqada.
Holland ayaa ku biireyso wadamo dhowr ah oo Yurub kuyaal, kuwaas oo horey u aqoonsaday baasaboorka soomaaliga ah. Dolwadaha Norway, Denmark iyo Belgium ayaa horey u sheegay inay aqoonsadeen baasaboorka soomaaliga ah.