Sweden: “Waa in aan shaqaalaysiinnaa ciidamada booliiska Norway”

0
118
Booliska Sweden

Xigasho/kilde: BBC-SOOMAALI

Midowga booliiska Sweden ayaa xukuumadda dalkaas ugu baaqay in ay shaqaalaysiiso ciidamo booliis ah oo u dhashay dalkan Norway, si loola daggaalamo saraakiil la’aanta haysata dalkaas.

Midowga ayaa sheegaya in saraakiil ka badan 250 sarkaal oo reer Norway ah aanay wax shaqo ah ku haysan dalkooda, ayagoo tababaran oo shaqo u qalma.

Midowga booliiska Sweden ayaa soo jeediyey in ciidamadaas la siiyo koorso soo wareejin ah dabadeedna laga shaqaalaysiiyo dalka Sweden.

Mas’uuliyiinta booliiska Sweden ayaa BBC-da u sheegay in aanay hayn qorshe ku aaddan in ay shaqo siiyaan saraakiil dibadaha lagusoo tababaray.

Ciidamada booliiska Sweden ayaa doonaya in sanadka 2024-ka ay shaqaalaysiiyaan 7,000 oo sarkaal oo cusub.

Si kastaba ha haatee, Anna Dennis, oo ah ku xigeenka madaxa Midowga booliiska Sweden, ayaa sheegaysa in ay jiraan meelo badan oo bannaan sababtuna waa Akaadeemiyadda booliiska Sweden oo guuldarraysatay.

Waxay tibaaxday in mushahaarka askarta la siiyo oo yar awgiis aanay dad badani soo codsan shaqada booliiska.

Labo sano iyo bar ayuu tababar qaadanayaa qofka doonaya in uu sarkaal booliis ah ka noqdo dalka Sweden.

Qofka codsanayana in uu noqdo booliis ayaa la mariyaan imtixaan dhanka lixaadka ah, mid maskaxda ah iyo mid dhanka sharciyada ah, qofka ayaa sidoo kale looga baahan ayahay in uu haysto rukhsad darawalnimo, in uu dabaalan karo iyo in uu haysto dhalashada dalka Sweden.

Ms Dennis ayaa sheegaysa in saraakiisha shaqaynaysa ay haysato shaqaale yari.

Dalkaas ayaa sanadihii lasoo dhaafay waxaa kusoo badanayey saraakiisha shaqada isaga tagaysa, tusaale ahaan sanadkii 2011 waxaa shaqada ciidanka ka tagay 612 qof halka sanad kii horena ay ka tageen 888 qof.

«Sanado badan ayay qaadanaysaa in tirada booliiska kor loo soo qaado oo aan gaarsiinno halka aan rabno» ayay tidhi Dennis oo BBC-da la hadashay.

Waxa ay sheegtay in Midowga ay madaxda ka tahay uu soo jeediyey in ay ciidamo ka shaqaalaysiiyaan dalka Jaarka la ah ee Norway waayo bay tidhi » Waxaan doonayna in dhibaatada nahaysata aa xallino halkii aan cid walba u sheegi laahyn sida xaalku noogu xun yahay».

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments