Norway oo dhex-dhexaadineyso mucaaradka iyo dowlada Venezuela.

0
148

Sida ay cadeysay wasaarada arimaha dibadda Norway, xubno sare oo matalaya dowlada iyo mucaaradka dalka Venezuela, ayaa wada hadalo uga socdaan magaalada Oslo.

Juan Guaidó oo ah madaxa kooxda mucaaradka ah ee rabta inay xukunka ka tuuraan madaxweyne Nicolás Maduro, ayaa dhankiisa xaqiijiyay inay jiraan wadahadalo Norway ku dhexmaraya xubno katirsan labada dhinac.

War kooban oo kasoo baxay wasaarada arimaha dibada Norway ayaa lagu cadeeyay jiritaanka arintan, waxaana ay wasaaradu ka gaabsatay inay faah-faahin ka bixiso nooca wadahadaladan.

Waxaana warka kasoo baxay wasaarada lagu sheegay in Norway ay amaaneyso niyad wanaaga labada dhinac ee kulankan isugu yimid, laguna dadaali doono in xal waaro loo helo qal-qalaasada siyaasadeed ee ka aloosan dalka Venezuela.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments