Peru: Madaxweyne hore oo is toogtay oo dhaawiciisa isbitaal la dhigay.

0
152
Madaxweyne, Alan Garcia.

Madaxweynihii hore ee ee dalka Peru, Alan Garcia ayaa istoogtay kadib markii maanta oo arbaco ay gurigiisa oo ku yaal magaalada caasimada ah ee Lima ay tageen saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska, kuwaas oo doonayay in xasbiga ay Dhigaan.

Arintaan ayaa waxaa Tv-ga maxaliga ah ee outlet N uu xaqiijiyay qareenka Garcia oo lagu magaabo Erasmo Reyna.

 Garsoorka Peru ayaa amray in xabsiga loo taxaabo siyaasigaan oo lagu eedeeyay falal la xiriira musuq maasuq iyo wax isdaba Marin waqtigii uu talada Hayay.

Xaalada madaxweynihii hore ayaa ah mid cakiran waxaana lagu dabiibayaa isbitaal ku yaal caasimada Lima sida uu xaqiijiyay wiilkiisa iyo taageerayaashiisa.


Hada waxaa uu ku jiraa xaalad Coma ah aan u barino ilaah si uu u badbaadiyo sidaasi waxaa warfidiyeenada u sheegay qareen Eresmo Reyna.

Xigasho/kilde: Universal.net

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments