Xildhibaano mooshin ka keenay boqorka Norway oo guuldareystay.

0
145
Foto: Royal Family Norway

Tiro xildhibaano ah oo katirsan baarlamaanka Norway ayaa golaha baarlamaanka Norway horkeenay mooshin ay ku rabeen in Norway laga dhigo Jumhuuriyad, lagana tago hanaanka boqortooyada ah ee Norway hada ka shaqeeyo. Iyaga oo dalbanayay in la baabiíyo mansabka qoyska boqortooyada Norway ee soo jireenka ah, loona wareego hanaan ku dhisan jumhuuriyad.

33 xildhibaan oo u codeeyay:

Mooshinkan oo codka loo qaaday maalintii shaley aheyd ayaa guuldareystay, inkasta oo ay u codeeyeen 33 xildhibaan, tiradaas oo ah xildhibaanadii ugu badnaa abid ee soo jeedintaas taageero u muujiyo. 133 oo kale ayaa kasoo horjeestay mooshinkaas, una codeeyay in Norway ay sii ahaato boqortooyo.

Xildhibaanada mooshinka keenay ayaa inta badan kasoo jeedo xisbiyada garabka bidix, halka ay ka dhex muuqdaan tiro yar oo xisbiyada garabka midigta ah.

Ma ahan markii ugu horeysay oo mooshin laga keeno mansabka qoyska boqortooyada Norway, waxaana horey baarlamaanka loo keenay dhowr soo jeedin oo arintaas la xiriirto. Sanadadii 2010 iyo 2016 ayaa sidoo baarlamaanka la keenay mooshin looga soo horjeedo boqorka Norway, balse dhamaantood ma aysan helin cod kalsooni.

Xigasho/kilde: TV2.NO

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments