Sweden: Filim sameeye soomaali ah oo ku guuleystay bilada Guldbagge

0
224
Foto: SKH

Axmed Cabdulaahi oo ah filim sameeye soomaali ah ayaa xaley fiidkii la gudoonsiiyay bilada Guldbagge oo ah bilada abaal marinta filimada ee dalka Sweden.

Axmed ayaa ku guuleystay bilada Guldbagge, qeybta filimada gaa-gaaban, isaga oo ku muteystay filimkiisa Martyren(Mujaahid).

Axmed ayaa noqonayo qofkii ugu horeeyay ee soomaali ah ee ku guuleystay biladan, sida uu isagu horey ugu sheegay idaacada Sveriges Radio, xili filimkiisa uu kusoo baxay finalka tartanka filmada ugu wanaagsanaa sanadkii tagay.

Halkan ka dhageyso wareysiga axmed

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments