Dowlada dalkan Norway ayaa bishii August ee sanadkan aqoonsatay baasaboorka soomaaliga ah, iyada oo sheegtay inuu u shaqeyn doono sida baasaboorada wadamada kale ee caadiga ah.
Norway ayaa horey soomaalida aan heysan sharciga magangaluada qoxootiga, aana wali qaadan dhalashada Norway horey ugu wargalisay inay soo qaataan baasaboorka soomaaliga ah, maadaama aan loo cusbooneysiin doonin baasaboorka buluuga ah wixii ka danbeeyo august 2019.
2019: Dadka codsanayo dhalashada Norway, waa inay heystaan baasaboor soomaali ah
Qoraal maalin kahor lagu soo daabacay bogga hey´adda agaasinka soo galooti Norway ee UDI-da, ayaa lagu sheegay in wixii ka danbeeyo kowda bisha Janaury ee sanadka 2019, dadka soomaalida ah ee raba inay codsadaan sharciga dhalashada Norway, laga rabo inay heystaan baasaboorka soomaaliga ah. Dadka heysta magangalyada qoxootiga(baasaboorka cagaarka ah) ayaa UDI-du sheegtay inaan laga rabin inay heystaan baasaboorka soomaaliga ah, xiliga codsashada dhalashada Norway.
UDI-da ayaa qoraalkooda ku sheegay in wixii ka danbeeyo kowda January, qofka soomaaliga ee codsanayo dhalashada Norway, uu waraaqaha codsiga raaciyo koobiga baasaboorka soomaaliga. Hadii uusan baasaboor soomaali ah heysana, waxey ku wargalinayaan inuu doonto baasaboor soomaali ah, kahor inta uusan codsiga ka xareen xarumaha booliska.
UDI-da ayaa sidoo kale bogooda kusoo bandhigay in sadexdan guruub aan laga rabin keenista baasaboorka soomaaliga, xiliga codsashada dhalashada Norway:
-
Dadka ku dhashay Norway
-
Dadka kayaraa 18 sano xiligii ay Norway imaadeen, isla markaana ay waalidkood heysteen dhalashada Norway.
-
Dadka helay magangalyada qoxootiga ee heysta baasaboorka cagaarka ah.
Sidoo kale dadka xareeyay codsiga dhalashada Norway, balse aan wali helin jawaabta codsiga, ayaan laga rabin baasaboor soomaali ah.
Ma cada ujeedka dhabta ah ee ka danbeeya soo rogista shardigan cusub ee UDI-du ay ku xirtay dadka soomaalida ah ee raba inay codsadaan dhalashada Norway. Qoraalkoodana kuma cada ujeedka ay arintan usoo rogeen.