Norway: Baarlamaanka oo diiday ansixinta sharci dhalinyarada diidmada ka heysta magangalyada u ogolaanaya inay sii wataan waxbarashada dugsiga sare

0
176
foto: Stortinget.no

Baarlamaanka dalkan Norway ayaa diiday meelmarinta soo jeedin hindise sharciyeed ka yimid xisbiyada Sv iyo Ap, kuna aabsan in dhalinyarada diidmada kama danbeysta ah ka heysta codsiga magangalyada loo ogolaado inay dhameystaan ama sii wataan waxbarashada dugsiga sare, inta aan wadanka laga saarin kahor.

SV ayaa soo jeediyay in dhalinyarada magangalyo doonka ah ee loo diiday magangalyada loo ogolaado fursad ay ku qaataan aqoon waxbarasho oo dugsiga sare ah, kahor inta aan wadanka laga bixin. Halka Ap uu soo jeediyay in dhalinyarada bilaabay bilaabay dugsiga sare kahor inta aan diidmada la siin, ay sii wataan waxbarashada dugsiga sare, ayna arintaas noqoto mid loogu diyaarinayo inay wadanka ka baxaan.

Xisbiyada kale ee Baarlamaanka ayaa diiday inay ansixiyaan labada soo jeedinba.

Roy Steffensen oo katirsan gudiga waxbarashada Frp oo kamid ah xisbiyada diiday ansixinta soo jeedintan ayaa sheegay in marba hadii qofka loo diido magangalyo, laguna amro inuu wadanka isaga baxo, aysan jirin sabab uu wadanka kusii joogo ama waxbarasho uu kusii wato.

Xigasho/Kilde: Stortinget.no

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments