Mahad Abiib: Waxaan go´aansaday inaan dalkeygii hooyo dib ugu noqdo, Nabadgalyo reer Norway

0
130
Mahad Abiib

Mahad Abiib oo soomaalida ku dhaqan ay aad ugu wada garanayaan ayaa wareysi uu siiyay TV-ga qaranka Soomaaliya ku sheegay inuu go´aansaday inuu dib ugu noqdo dalkiisii Hooyo. Wuxuuna u mahadceliyay dadkii garab istaagay xiliyadii adkaa ee uu soo maray mudadii ay socotay maxkamada u dhaxeysay isaga iyo dowlada Norway.

Abiib ayaa labo isbuuc kahor markii labaad kasoo muuqday maxkamada Oslo, isaga oo racfaan ka gudbiyay go´aankii ay kiiskiisa ka gaartay maxkamada Oslo. Maxkamada racfaanka Oslo ayaan wali go´aan ka gaarin kiiska dacwada racfaanka Mahad Abiib, laakiin Abiib ayaa sheegay inuu go´aansaday inuu Norway isaga tago, uuna ku noqdo dalkiisii, dhinac walba oo ay dacwada racfaanku u dhacdaba.

Mahad iyo kiiskiisa ayaa labadii sano ee ugu danbeeyay dhinaca kale u rogay sharciyada quseeya kala noqoshada dhalashada Norway. Waxaana dartiis iyo dagaalka uu la galay dowlada Norway, lagu badalay ilaa shan qodob oo ku saabsan xeerka soo galootiga dastuurka Norway.

Mahad ayaan wali sheegin xiliga uu go´aansaday inuu Norway ka baxo, laakiin wuxuu sheegay inuu bulshada la wadaagi doono, isaga oo mahad u celiyay dadkii taageerada la garab istaagnaa.

 

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments