Donald Trump oo safiir asalkiisu ajnabi yahay u magacaabay Soomaaliya

0
144
Donald-Yamamoto

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa Donald Y. Yamamoto u magacaabay inuu noqdo safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, kadib markii uu bilo kahor is casilay safiirkii Mareykanka ee Soomaaliya.

Mr. Yamamoto oo asal ahaan kasoo jeedo dalka Japan ayaa hadda ah ku xigeenka kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee xafiiska arirmaha Afrika.

Golaha aqalka odoyada dalka Mareykanka ayaa la horkeyn doonaa magacaabista safiirka cusub, waxaana loo badaniyaa in magacaabistaas ay meel mari doonto.

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments