PU: Afartii bilood ee ugu horeeyay sanadkan, waxaan tarxiilnay 1619 qof: 242 qof oo kali ah ayaa magangalyo-doon ka ah

0
144

Sida lagu xusay warbixin kasoo baxday booliska dalkan Norway, qeybtooda qaabilsan soo galootiga, waxaa afartii bilood ee ugu horeysay sanadkan Norway laga tarxiilay 1619 qof, kuwaas oo badankooda ahaa kuwa lagu heystay falal danbiyeedyo.

581 qof oo kamid ah dadka Norway laga tarxiilay ayaa ahaa dad lagu helay fal ciqaabeed, waxeyna badankooda kasoo jeedaan dalalka Romania iyo Poland.

159 qof oo kamid ah dadka ay Norway sanadkan tarxiishay ayaa ah dad faro ku leh ama horey magangalyo uga soo codsaday wadamada kale ee Yurub, uuna qabtay xeerka loo yaqaan Schengenka. Halka 242 qof ay ahaayeen dad magangalyo toos ah codsaday, balse diidmo ka helay.

Xigasho/kilde: Utrop/NTB 

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments