Tromsø: Haweenay soomaali ah oo lagu soo oogay dacwad la xiriirta been abuurka shahaadooyin jaamaceed

0
165
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Sida uu daabacay wargeyska Nordlys ee kasoo baxa magaalada Tromsø ee woqooyiga dalkan Norway, haweenay soomaali ah ayay boolisku ku eedeeyeen ka been-sheegida shahaadooyin jaamaceed oo ay codsaday in loo aqoonsado. 


Sida ay boolisku sheegeen haweeneydan ayaa sameysatay shahaadooyin jaamaceed oo bug ah(faaliso ah), waxeyna heyádda NOKUT ka codsatay in loo aqoonsado aqoonteeda jaamaceed ee hore. Nokut ayaa ah heyádda qaabilsan ansixinta iyo hubinta shahaadooyinka ay dadku kala imaadaan wadamada Dibada.

Haweeneydan ayaa sheegatay inay shahaada bachelorka ee cilmiga maamulka iyo maareynta ganacsiga ay kusoo qaadatay jaamacad kutaal Soomaaliya, halka shahaado Master ah ay kasoo qaadatay jaamacada Kenyatta universitetet ee dalka Kenya.

Xeer ilaalinta booliska ayaa haweeneydan kusoo eedeyn doono danbigan la xiriira arintan, waxaana kiiskeeda dhawaan la hor geyn doonaa maxkamada.

Xigasho/kilde: Nordlys.no

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments