Norway: Dadka kujira xeryaha qoxootiga oo la siin doono ogolaanshaha shaqada

0
132
Trine Skei Grande= Gudoomiyaha Venstre

Laga bilaabo 14-ka bishan soo socoto ee May, dadka kujira xeryaha qoxootiga ee wadankan Norway ayaa loo ogolaan doonaa waraaqda shaqada ee loo yaqaan «arbeidstillatelse». Waxaana sidaas shirweynaha xisbiga qaran ee Venstre ka sheegtay, Trine Skei Grande oo ah gudoomiyaha xisbigaas.

Sida ku xusan warka kasoo baxay dowlada, ogolaanshaha waraaqda shaqada ayaa la siin doonaa dadka kujira xeryaha qoxootiga ee loo yaqaan Integreringsmottakxeryahaas oo ah kuwa la geeyo dadka heysta sharciga magangalyada, ama ay u badantahay inay magangalyo heli doonaan.

Gudoomiyaha xisbiga Venstre Trine Skei Grande ayaa ku faantay in xisbigeedu uu ahaa kan ka danbeeyo meel-marinta qodobkan oo a sheegtay inuu muhiim u yahay xisbiga Venstre.

Wasaarada cadaalada ayaa lagu wadaa inay soo saarto faah-faahin dheeri ah oo arintan ku saabsan.

Xigasho/kilde: DN.NO

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments